Madaxweyne Qoorqoor oo tagay degaanka Qaayib oo dhawaan Al-shabaab ku qaaday weerar culus

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo todobaadkii hore Al-shabaab ku qaaday weerar khasaaro xooggan dhaliyey.

Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Ah ee Soomaaliya, qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug, gudoomiyaasha degmoonyinka Cadaado iyo Baxdo ayaa soo kormeeray xaaladda guud ee deegaanka iyo difaacyada iyo furimaha ciidanka deegaanka iyo ciidamada qalabka sida oo iskaashanaya.

Madaxweynaha Galmudug oo meel fagaara ah kula hadlay qaar ka mid ah ciidamada, ayaa ku boggaadiyay dagaalka ay kula jiraan, iyo sida ay uga hortagaan weerarka Shabaabka ee deegaanka lagu soo qaado.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah Shabaabka lasii joogteynayo oo degmooyin iyo deegaano horleh laga xoreynayo maalmaha soo socda.

Al-shabaab oo laba jeer weeraro ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ku qaaday deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, waxaana weerarada ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor