Madaxweyne Qoorqoor oo socdaal ku maraya degaano ka tirsan Mudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Bitaale ee Gobolka Mudug, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Safarka Madaxweyne Qoorqoo ee Bitaale ayaa waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Galmudig, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay  Mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Inta uu ku sugan yahay Qoorqoor deegaanka Bitaale ee Gobalka Mudug ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta deegaankaas iyo Bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi la socda ayaa saacadaha soo socda ku wajahan deegaano dhowr ah oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana kamid ah Qoryaweyn, Afbarwaaqo iyo Bandarqaali.

Safar dhinaca dhulka ah ayuu Qoorqoor uga soo baxay Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb, isagoo horey u soo maray deegaano iyo Magaalooyin waaweyn oo ka tirsan Maamulkaas.