Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Xeraale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa deegaanka Xeraale kula kulmey Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa lacago samar siin ah ku wareejiyay Dadkii dadkoda dhibtu ku gaartay dagaaladii ka dhacey deegaanadan huurashe iyo Xeraale lacagahaasi oo horey oo balan qaadey dowlada faderaalka soomaliye .

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariyr Qoorqoor intuu joogey Xeraale waxaa uu Booqdey Saldhiga Booliska Degmada Xeraale, waxaana kormeerkiisa ku wehlinayay Mas\uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Galmudug.

Uga danbeyntii Madaxweynaha ayaa dhagax dhigey isbitaalka guud ee Dagmada Xeraale iyo iskuul dugsi sare ah oo maamulka galmudug ka dhisaayo Degmada Xeraale.