Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goordhaweyd gaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo si weyn loogu soodhaweyay.
Madaxweynaha ayaa waxaa Guriceel kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, oo ay ku jiraan Saraakiil, Maamulka Magaalada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato saraakiisha amnig Gobolka iyo bulshada ku dhaqan Guriceel.
Magaalada Guriceel ayaa soo martay afar maalmood oo uu ka socday dagaal dhiig badani ku daatay, kaasi oo bur-bur iyo barakac xooggan ka dhaliyay, kadib markii ay si weyn ugu dagaalameen Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlu-Sunna.