Madaxweyne Qoorqoor oo Duleedka Godinlabe kusoo dhaweyay Xaaf

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa duleedka deegaanka Godinlabe kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaaf ayaa gelinkii dambe ee shalay kasoo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo, isagoo xalay ku hoyday deegaanka Godinlabe, waxaana Maanta halkaas ugu tegay Madaxweyne Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Madaxweyne Qoorqoor iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa saacadaha soo socda yeelan doona kulamo, kuwaasi oo looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xalinta cabshooyinkii ka dhashay Doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb.

Sidoo kale wafdiga uu hogaaminayo Xaaf oo ay kamid yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxda Galmuduga ayaa kasoo ambabixi doona deegaanka Godinlabe, iyagoona soo aadaya Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo halkaas ka maqnaa bilihii dambe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media