Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay waxaa halkaas loogu sameeyay Munaasabad soo dhaweyn ah.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan Guriceel.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa Khubad ka jeediyay Munaasabada ayaa marka horey Bulshada Guriceel uga mahadceliyay soo dhaweyntii ay u sameeyeen markii uu gaaray halkaas isaga iyo wafdigiisa.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in Guriceel ay tahay meel u qalanta inay degmo noqoto, isla markaana waxaa uu ku amray Wasaarada Arimaha Guddaha Galmudug in ay Deg-deg u diyaariso soo jeedinta Degmonimada Guriceel si Baarlamaanku uga doodo loona ansaxiyo.
“Guriceel inta la dhaafay Bajaajtii ayaa Bas la’isaga raacaayaa, Guriceel sahan degmonimo way ka dhantahay, degmanimana way u qalantaa, wasiir soo diyaari degmanimadii Guriceel si golaha loo marsiiyo, reer Guriceel haddii inta aan degmo siinno aysan gobol naga dhigga nagu dhihin waan u mahad-celinaynaa” ayuu yiri Qoorqoor.
Si kastaba Magaalada Guriceel ayaa kamid ah Maglooyinka ugu amniga wanaagsan deegaanada Maamulka Galmudug, isla markaana waxaa gacanta ku heysan jiray Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug, kadibna deegaanka laga saaray.