Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi la socday oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee galabta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor oo sacdaalkiisa ku wehlinayeen Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ka waday dadaalo kala duwan oo uu xal ugu raadinayay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Socdaalka uu Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor dib ugu laabtay Dhuusamareeb ayaa ka dambeeyay, kadib markii todobaadyadii tegay dhaq dhaqaaqyo Ahlusunna Waljameeca dib uga bilowday Galgaduud, iyagoona dagaal adeg la galay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ahlusunna ayaa duhurnimadii Maanta la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, isla markaana waxaa halkaas isaga baxay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwii Galmudug ee ku sugnaa Magaalada.