Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay xaaladdo adeg oo ka jira Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa uu ka hadlay xaaladdo abaar ah oo ka jira deegaano ka tirsan Somaliland, taas oo heysato dad reer guuraa ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo munaasabad ka hadlaayay ayaa waxaa uu ugu baaqay ganacsatada inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha saameeyeen, waxaana biyo laga waayay ceelashii biyaha laga heli jiray.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dadka ay u baahan yihiin Gargaar deg deg ah in lala gaaro, maadaama ay abaarta ka jirta deegaano ka tirsan Somaliland ay saameysay dadka reer guuraag ah oo qaarkood aysan heysan wax ay cunaan.

“In ka badan boqolkiiba 60 reer guuraagii maanta geeddii buu ku jiraa meel walbo waa laga hayaamay, waxay u bahaan yihiin boqolkiiba 70 in ka badan dadka reer guuraagu maanta in biyo la gaarsiiyo waayo barkadihii wey qalaleen” ayuu yiri Muuse Biixi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa waxaa uu tilmaamay inay wadaan dadaalo kala duwan oo Maamulka uu biyo dhaamin ugu sameeynayo dadka reer guuraaga ah ee xaaladda adeg heysata.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor