Madaxweyne Muuse Biixi oo digniin Culus u diray Odayaasha dhaqanka ee Soomaaliland

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digniin culus u jeediyay Salaadiin maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta isaga oo uga digay in ay faraha kala baxaan arrimaha Siyaasadda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Warbaahinta Maqalka iyo tan la iska arkaba awaxaa la hadlayay Odayaal dhaqan oo ka hadlayay wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland iyaga oo ku baaqay in laga talageliyo arrimhaas.

Madaxweynaha maamulkaas ayaa isaga oo ka jawaabayay hadalka Salaadiinta ugu baaqay in ay faraha kala baxaan Siyaasadda kuna ekaadaan dhaqankooda hadii ay kasoo gudbaana tallaabo laga qaadayo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa yiri ” haddii uu ka baxo Suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaaray oo uu Badkale galo wixii baddaa kaga soo noqda ha u diyaar garooho”.

Lama oga waxa ay Salaadiinta ama Odayasha dhaqanku ay uga jawaabi doonaan digniinta uu u jeediyay madaxweynaha Soomaaliland oo ku aaddan in ay faraha kala baxaan arrimaha Siyaasadda iyaguna ay ku baaqeen soo dhaweeyeen in la amba qado wadahadalada labada dhinac.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media