Madaxweyne Muuse Biixi “Kenya kama yeeli doono in ay noo adeegsato Soomaaliya”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Axaddii todobaadkan gaaray Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya dalka ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Biixi oo BBC-da uga warramay ujeeddada safarkiisa Kenya ayaa sheegay inuu u yimid si ay Kenya uga wada hadlaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhowr ah.

“Waa labo dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay marka waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba,” ayuu yiri Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa shalay Madaxtooyada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Ujeedada kulanka ayuu ku sheegay arrimo la xiriira danaha abada dal waa siduu hadalka u dhigay.

“Uhuru waxaan ka wada hadalnay danaha labada dhinac. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay waxyaabo badan, geeskan aynu ku nool nahay sidii uu nabad iyo horumar iyo barwaaqo u gaari lahaa, wixii ka dhiman iyo guud ahaan caalamkaba dhibaatooyinka ka jira iyo sidii aan uga faa`iideysan lahayn fursadaha laga yaabo inay ka jiraan caalamka iyo Geeskaba,” ayuu BBC Somali u sheegay Muusa Biixi.

Kulanka labaad ee dhexmaraya Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xalay xiriirka si rasmi ah ugu jartay dowladda Kenya.

Kenya ayaa lagu eedeeyay inay muddooyinkii ugu dambeeyay fara-gelin siyaasadeed ku heysay Arrimaha siyaasadda dalka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taasina ay keentay inay Go’aan qaadato dowladda oo xiriirka loogu jaray dowladdaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media