Madaxweyne loo malaynaayay inuu dhintay oo ka degay Itoobiya

Madaxweynaha Eritrea ayaa ka dagay dalka dariska leh ee Itoobiya, iyada oo la sheegay inuu bilaabay ol’ole ka dhan ah Covid-19 iyo arrimo ku saabsan sida uu ayaxa u baabi’iyay dalagyada deegaanka.

Isaias Afwerki ayaa ka dagay Addis Ababa iyada oo muddo dheer uusan ka soo muuqanin meel fagaaro ah, taas ayaa abuurtay hadal hayn ah in xaaladdiisa caafimaad aysan wanaagsanayn.

Ma caddo sababta uu madaxweynaha u safray xilli shirarka gobolka dhawaanahaan lagu qabanayay hab muuqaal ah.

Mr Isaias ayaa xilka dalka Eritrea hayay tan iyo horaantii 1990-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media