Madaxweyne Laftagareen oo ka warbixiyay kulankii uu laqaatay Safiirka Itoobiya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa warbixin guud ka bixiyay waxyaabihii ayka wada hadleen Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya  Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi, oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne laftagareen ayaa  sheegay inay ka wada hadleen xiriirka dheer iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimo la xiriira doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan amniga guud ee degaannada Koonfur Galbeed iyo kan doorashooyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor