Madaxweyne Lafta-gareen oo soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhaweyn loo sameeyay Madaxweynaha.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa Madaxweyne Lafta-gareen kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Ujeedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacaya Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono saxida doorashada iyo dhammeytirkeeda.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyagoo ka qeyb galaya Shirka doorashada ee uu dhawaan ku baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa todobaadkii hore si cad u diiday inuu ka qeyb galo shirka Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha, isagoo xusay inuu ka qeyb galayo shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, oo ahaa mid lagu dhabar jebinayay shirka uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor