Madaxweyne Lafta-gareen oo ka hadlay safarka RW Rooble ku tegay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay safarkii galabta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xigaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo kamid yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Senataro iyo Mas’uuliyiin kale uga mahadceliyay booqashada ay ku tegeen Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku faraxsan yihiin booqashada Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku tegay Baydhabo, wuxuuna tilmaamay inuu ka qeyb geli doono Munaasabadda sanad-guurada 3-aad ee markii la doortay Lafta-gareen.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay inuu kulamo Wadatashi ah la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda inta uu ku sugan yahay Magaalada, isla markaana ay ka wada hadli doonaan Arrimo kala duwan oo ay qeyb ka tahay doorashada Golaha Shacabka..

Ammaanka guud ee Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana saacadaha soo socda ka dhaceysa Magaaladaas, Munaasabadda sanad guurada 3-aad ee markii la doortay Madaxweyne Lafta-gareen, iyadoona Munaasabadda ay ka qeyb galaan wufuud kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor