Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baraawe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna Caasimadda Maamulkaas.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka, xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada, Maamulka Baraawe iyo qeybaha kala duwan Bulshada degmadaas.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen ee Magaalada Baraawe uu yahay mid la xiriira kulamo uu la qaadan doono Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Maamulka Baraawe kala hadli doona xaaladda guud ee deegaanka, ammaanka iyo shaqooyinka kale ee ka socda Magaalada, xili Magaaladaas lagu wado inay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Socdaalka Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ee Baraawe ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkiisa, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor