Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la kulmay Wafdi Maanta gaaray Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Paul Simkin oo gaaray Magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland iyo Paul Simkin ayaa kulankooda uga wada hadlay Arrimo ay kamid yihiin sidii loo dardargelin lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka ee Puntland ka socda.

Waxaa kaloo labada dhinac ka wada hadleen sidii la iskagakaashan lahaa Maamul baahinta guud ee degmooyinka iyo doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland.

Gabagabadii Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey wada-shaqaynta buuxda ee ka dhexeeysa  Dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ku ah  mashruucaan waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Dowlad ahaan joogtaynta iyo sare u qaadista mashruuca.

Kulanka Axmed Cilmi Cismaan Karaash la qaatay wafdiga uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Paul Simkin ayaa waxaa ku wehlinaayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor