Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo farriin u diray Shacabka

Madaxweyne Ku-Xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa farxada munaasabada ciidul fitriga la wadaagay dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland.

Wuxuu sidoo kale madaxweyne ku-xigeenku shacabka reer Puntland Eebe uga baryay inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo dambi dhaaf, caafimaad qab, barwaaqo, amni iyo horumar waara.

“Waxaa dhammaanteen eebe inooga baryayaa inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo farxad, barwaaqo, amni iyo horumar”, ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenku.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay Shacabka Reer Puntland Midnimo iyo Wadajir

“Dhamaan Shacabka  reer Puntland waxaan ugu baaqayaa in lagu dadaalo Midnimada iyo Wadajirka “.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media