Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya oo loo diiday inuu u safro Uganda

William Ruto oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya waxaa shalay oo Isniin ahayd laga hor-joogsaday inuu u socdaalo dalka Uganda, sida uu sheegay Xoghayihiisa Isgaarsiinta, David Mugonyi.

William Ruto oo Socdaal Khaas ah ugu ambabixi lahaa magaallallada Entebbe ee Uganda waxa uu muddo 5 saacadood ah ku xayirnaa Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magalladda Nairobi, sababo lagu sheegay inuusan soo marin Nidaamka Socdaalka ee Dowladda Kenya oo dhigaya inuu Mas’uul kasta uu Fasax ka qaato Aqalka Dowladda ka hor Safarkooda Dibedda.

Dhinaca kale, Qoraal uu Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu ka fal-celiyey Safarka laga joojiyey, halka Xoghayihiisa Isgaarsiinta, David Mugonyi uu La-yaab ku tilmaamay Xayiraadaasi,isagoo xusay inaysan arrintaasi marnaba dhicin 9-kii sano ee u dambeeyey.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Musdeveni waxa uu casuumaad u fidiyey Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, xilli la dhagax-dhigayey Xaruun soo saarta Tallaalka oo laga dhisayey Deegaanka Matuga ee Degmadda Wakiso oo ku taalla Bartamaha dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor