Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo kulan la qaatay wafdi ka socday Puntland

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay wafdi ka socday Puntland oo uu hogaaminayey Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.

Wafdiga ka socda Puntland ayaa magaalada Kismaayo u tegay sidii ay uga qayb gali lahaayeen Aaska AUN Marxuum Gen, Maxamed Warsame Darwiish Wasiirkii Arimaha gudaha Jubbaland oo horaantii todobaadkan ku geeriyooday Dalka Jarmarka.

Wafdigan wasiirada ah ayaa dhanbaal tacsi ah oo ay ka sidaan Maamulka iyo shacabka Puntland la wadaagay mas’uuliyiinta Jubaland iyagoo eebe weyne oga rajeenayey Wasiirkii Arimaha Gudaha Jubaland in naxariistiisa ku irsaaqo qabrigana u waasiciyo.

Meydka AUN Marxuum Gen, Maxamed Warsame Darwiish Wasiirkii Arimaha gudaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in maalinta la geeyo magaalada Kismaayo halkaas oo aas qaran loogu sameeyn doono, waxaana aaska marxuumka kasoo qayb gali doono wafuud kale duwan oo ka imaan doona gudaha dalka iyo dibadiisa.