Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa gelinkii dambe ee Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Yuusuf Daba-geed kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin iyo dadweyne kale.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiin kala duwan.

Daba-geed ayaa ka yimid dhanka degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa, isagoo halkaas uga qeyb galay Munaasabada xarig jarka Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo halkas laga dhisay..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor