Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo kulamo ka wada Jowhar

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ahna Musharax Madaxweyne maamulkaas ayaa xalay kulan la qaatay Odayaasha dhaqan ee maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Jowhar.

Kulanka oo ahaa mid Casho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdikariin Luqmaan Xaaji, labadiisa ku-xigeen iyo dhammaan Odayaasha dhaqanka.

Cali Guudlaawe ayaa Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle uga mahadceliyay howlihii ay soo qabteen, wuxuuna Odayaasha u sheegay inay door muhiimka ah la qaateen dhismaha maamulka Cusub.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdikariin Luqmaan Xaaji ayaa isna dhankiisa u mahadceliyay Odayaasha ee soo xulay Xildhibaanada, kuwaasi oo bilihii lasoo dhaafay ku  sugnaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ahna Musharax Madaxweyne maamulkaas ayaa Jowhar ka wada kulamo siyaasadeed oo uu ku doonayo in loogu doorto Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media