Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Jowhar

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeellea Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdiga la socday kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Faal, Xildhibaano, Wasiiro, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Yuusuf Daba-gaeed ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe kula biiri doono latashiyada uu kusoo saarayo Liiska Musharaxiinta kuraas Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Maamulkaas.

Labadaan Mas’uul ayaa kulan gaar ah ka yeelan doona Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ku dhawaaqo Liiska Senatorada oo siweyn isha loogu haayo.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin badan oo doonaya inay kamid noqdaan Senarorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo xubno kale, iyadoona maalmaha soo socda halkaas ay ka dhici doono doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor