Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo fariin u diray Dad gaar ah

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay Tuulada beyxaaw oo ay ka socotay howlo lagu caro tuurayo Hareeraha Wabiga si looga hortago fatahaad uu geysto Wabiga.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale booqday tuulooyin jiinka wabiga ku yaal isagoo amar ku bixiyay in caro tuur xoog leh lagu sameeyo meelaha uu ka jilicsan yahay si looga baaqsado fatahaad ka dhacda deegaanadan.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa bulshada degan jiinka Wabiga ugu baaqay in maamulka ay garab istaagaan kalana shaqeeyaan cara tuurka Wabiga.