Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo Booqday xero Ciidan fariina diray

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa booqday Xerada Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMSIOM ee lama-gaalay.

Yuusuf Daba-geed ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee guutada 5-aad, waxaana Saraakiisha Madaxweyne ku-xigeenka ay warbixin guud ka siiyeen howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Hiiraan.

Sidoo kale Daba-geed ayaa Saraakiisha ka xog-wareysatay sida ay ugu diyaar garooween sugida amniga Doorashada Xildhibaanada dowladda Federaalka ee ka dhaceysa Baladweyne oo kamid ah deegaannada Hirshabelle ee lagu qabanayo Doorashada.

Saraakiisha guutada 5-aad Ciidamada ayaa sheegay inay wadaan dalaalo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana wadashaqeyn kala dhexeeyso laamaha amniga kala duwan ee Magaalada, wuxuuna Yuusuf Daba-geed faray Ciidanka dardar-gelinta sugida amniga

Booqashada  uu Madaxweyne ku-xigeenka ku tegay Xerada Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMSIOM ee lama-gaalay ayaa waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha G/Hiiraan iyo Saraakiil kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media