Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo Amar Deg-deg ah bixiyay

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xaafadaha Magaalada jowhar oo ay fariisteen biyo kadib roobab Magaalada ka da’ayay 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa soo qiimeeyay saameynta ay biyaha u roobabka u geysteen xaafadaha buulo sheekh kulmis hanti wadaag gaar ahaan bada cas iyo xaafada horsed ee Jowhar.

Qoysas badan oo ku noolaa guryaha ay biyaha fariisteen ayaa halkaas ka barakacay, iyagoo aaday deegaano hoostaga Magaalada Jowhar, waxaana lasoo sheegayaan in halkaas ay ku heysto xaalad adeg, maadaama oo siweyn u da’ay Roobka guga.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah biyaha looga saaro xaafadaha ay saameeyeen roobabka isagoona goob joog u ahaa inta ay howsha socotay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media