Madaxweyne ku Xigeenka Hir-shabeelle oo gaaray Magaalada Baladweyne

Maadxweyne ku xigeenka maamul Goboleedka Hir-shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dabageed iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana soo dhaweynta Madaxweyne ku xigeenka ka qayb qaatay Maamulka Gobolka Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka aan wali la caleema saarin ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baladweyne tan iyo markii lagu doortay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media