Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka hadlay qodobadii ka soo baxay Shirka golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo lagu soo gabegabeeyay Magaalada Kismaayo.
Waxa uu Madaxweyne ku xigeenka kasoo horjeestay qodobadii shirkaas ka soo baxay oo ay kamid ahaayeen in dowlad goboleedyada dalka ay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda dhexe Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa sheegay in dowladda dhexe xiriirka aysan u jari doonin maamulka galmudug,isla markaana tilmaamay in madaxdii ku shirtay Magaalada Kismaayo ay ku fashilmeen shirkooda.
Sidoo kale Carabey ayaa sheegay in khilaafka u dhexeya madaxda ugu sareeysa maamulka Galmudug loo baahan yahay in xalintooda loo daayo madaxda Galmudug,waxaana uu baaq u diray maamul goboleedyada kale in ay xiliyaan khilaafka ka jira deegaanadooda.