Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulamo ka wada Caabudwaaq

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maanta kulan la qaatay Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii xabad joojin rasmi ah uga dhaaqan gali la,heyd deegaanka furinta Fooro oo dhawaan dagaal geystay Khasaaro isugu  jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed

Sidoo kulanka qodabadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa hormarinta Dagmada Cabudwaaq iyo soo dhisida Golaha deegaankaas iyo Arrimo kale oo kala duwan.

Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Ka codsaday in la kordhiyo tirada iyo tayada, Ciidamada Booliska ee ku sugan halkaas, waxaan Golaha ay baaq nabadeed u direen beelaha walalaha ah ee ku dagaalamay deeganka Furinta Foore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media