Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo ku wajahan Magaalo uu ka dhacay Banaanbax

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maanta waxaa la filayaa inuu Safar dhanka dhulka ah uu ku gaaro Magaalada Caabudwaad ee Gobolka Galgaduud.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ujeedka Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee Caabudwaaq uu yahay sidii loo xalin lahaa Cabasho ay shacabka ku dhaqan halkaas ay ka qabaan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Cali Daahir Ciid inta uu ku sugan yahay halkaas ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Magaalada Caabudwaaq iyo qeybaha Bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Dad Careysan oo isugu jiray Haween, Caruur, dhalinyaro iyo Odayaal ayaa shalay Banaanbax xoogan ka dhigay Caabudwaaq, iyagoo uga soo horjeeday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana ay gubeen Sawirrkiisa.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay Banaanbaxii shalay ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu hurinayo dagaal beeleedyo ay sheegeen inuu ka dhacay deegaano ku yaalla Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media