Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo gaaray Caabudwaaq iyo Ujeedkiisa

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Gobaleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta Safar dhanka dhulka ku gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Safarka Madaxweyne ku-xigeenka ee Caabudwaaq ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Maamulkaas iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ujeedka Cali Daahir Ciid ee ee Caabudwaaq uu yahay sidii loo xalin lahaa Cabasho ay shacabka ku dhaqan halkaas ay ka qabaan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Cali Daahir Ciid inta uu ku sugan yahay halkaas ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Magaalada Caabudwaaq iyo qeybaha Bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Dad Careysan oo isugu jiray Haween, Caruur, dhalinyaro iyo Odayaal ayaa maalin kahor Banaanbax xoogan ka dhigay Caabudwaaq, iyagoo uga soo horjeeday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana ay gubeen Sawirrkiisa.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay Banaanbaxii maalin kahor ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu hurinayo dagaal beeleedyo ay sheegeen inuu ka dhacay deegaano ku yaalla Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media