Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo

Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay maaalada Kismaayo kadib safar shaqo oo uu mudooyinkii dambe ugu maqnaa gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa madaxwayne ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamad Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirro, xildhibaanno, odayyo dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa imaanshihiisa kadib khudbad ka jeediyay qaybta nasashada ee garoonka diyaaradaha Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan isaga oo ka warbixiyay hawlihii shaqo ee uu safarkiisan daaranaa isla markaana faahfaahiyay in hawlihii uu u aaday gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ay ugu qabsoomeen sidii ay dawladdu u qorshaysay guulna ay ku soo dhammaadeen.

Wuxuu sidoo kale madaxwayne ku xigeenka ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale khudbadiisan kaga hadlay halista xanuunka saf marka ah ee COVID-19 ee ku faafaya guud ahaan dalka gaar ahaanna magaalada Kismaayo isaga oo shacabka ugu baaqay in ay taxaddar dheeri ah muujiyaan qaataanna talooyinka dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media