Madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland iyo wafdi la socday oo gaaray Magaalada Dhooblay

Wafdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Maanta oo khamiis ah gaaray Magaalada Dhooblay ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Maamulka Dhooblay.

Madaxda ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Maamulka Dhooblay iyo Bulshada, iyagoona ka xog-wareysanaya xaaladda guud ee deegaanka iyo baahiyaha ka jira halkaas ee muhiimka ah in wax laga qabto.

Ammaanka guud ee Dhooblay ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray Xarunta Madaxtooyada Magaalada oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne ku-xigeenada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Maamulka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor