Madaxweyne kala diray Baarlamanka dalkiisa, shaqadana ka eryay Ra’iisul Wasaarihiisii

Madaxweynaha Tunisia ayaa shaqada ka ceyriyay raiisul wasaaraha, isla markaana kala diray baarlamaanka, kadib mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay guud ahaan wadanka.

Kumanaan kun oo mudaaharaadayaal ah, oo ka careysan qaabka khaldan ee dowladda u maamushay xanuunka ‘Covid-19’, ayaa soo buux dhaafiyay waddooyinka waxayna isku dhaceen booliska.

Madaxweyne Kais Saied ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegayo xilka isagoo gacan ka helaya ra’iisul wasaare cusub, waxa uu sheegay inuu damacsan yahay inuu dejiyo xaaladda dalka oo uu dib usoo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta.

Balse dadka ka soo horjeedaa waxay ku tilmaameen talaabadiisa in ay inqilaab tahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor