Madaxweyne Guudlaawe iyo AMISOM oo ka shiray la dagaalanka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Kulanka ayaa inta u socday waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga deegaanada dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee halkaas ka socda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa uu Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Madeira sigaar ah ugala hadlay sidii loo fulin lahaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab, isla markaana ay bilaabayaan Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda.

Deegaanada Hirshabeelle ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwaasi oo taageero siiya Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka, iyagoona iska kaashada howlgalada laga fuliyo halkaas.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa horey kulamo kala duwan ula qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, isagoona kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor