Madaxweyne Farmaajo oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan”ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in kor u yeelidda Calanka Soomaaliyeed lagu soo bixiyey juhdi badan, islamarkaana lagama maarmaan ay tahay sidii loo soo celin lahaa taariikhda calankeena uu ku lahaa caalamka.

“Kor yeelidda Calankeenna waxaa lagu bixiyay dhiig iyo dhaqaale, waana waajib ina saaran dhammaan inaan soo celinno sharafkii iyo karaamadii uu ku dhex lahaa fagaareyaasha caalamka” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Calanka buluuga ah ee xidigta dhexda ku leh ayaa waxaa Hindisay sanadki 1954 maanta oo kale Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan, waxaana markaa laga wada taagey guud ahaan dhulka ay dagaan shanta Soomaaliya ee xidigta calanka dhexda kaga taal u taagantahey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor