Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Jabuuti iyo ujeedka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta u amba-bixi doona dalka Jabuuti, halkaasi oo uu uga qayb gali doono shir Madaxeedka IGAD kaasi oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Maadxweyne Farmaajo ayaa ka amba-baxaya Magaalada Muqdisho, waxaana uu kusii jeedaa Magaalada Djabuuti ee Xarunta dalka Jabuuti, waxaana halkaasi ka dhici doona shir Madaxeedka IGAD oo oo looga hadlayo xaalada Gobolka Tigray, waxaana inta badan lagu faaqidi doona shirka arrimaha ka taagan Itoobiya, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk uu booqasho ku tagay Addis Ababa, halkaasi oo uu Aby Ahmed kaga dhaadhiciyay in Shir deg deg ah la qabto, laguna xaliyo Xaaladda Itoobiya.

Sidoo kale shirka waxaa looga hadli doona xiisadda kasoo dhex cusboonaatay Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Dowladda Soomaaliya ay ashtako u gudbisay IGAD, taasi oo ay Dacwo kaga ahayd Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xariirka u jartay Kenya, waxaana ay ku eedeysay in ay faragalin qaawan ku sameysay arrimaha Soomaaliya, taasi oo meel ka dhac ku ah madax-bannaanida Soomaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media