Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeelanayo Wasiiro iyo Xildhibaano

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato Wasiirada, Senatarada iyo Xildhibaanadda ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Dowladda Federaalka.

Kulankaas oo ah mid quraac ah ayaa lagu ku casuumay Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, isla markaana waxaa  loo diray fariimo ku aadan in kulan uu ku Casuumay Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in Wasiirada iyo Xildhibnaanada uu warbixin ka siiyo Shirkii dhawaan Magaalada Jabuuti ku dhexmaray Dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo looga hadlayo Arrimo kala duwan.

Sidoo kale inta uu socdo kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo ku saabsan Doorashooyinka gaar ahaan Kuraasta Gobolada Waqooyi ee lagu dooran doono Magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Kulanka Maanta uu hogaamin doono dhanka Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media