Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaanada looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo arrimo ku aadan Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/21.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka iyo Xildhibaanada Galmudug ku boggaadiyay shaqooyinkii ay soo qabteen tan iyo markii loo dhaariyey xilka Xildhibaanimo, wuxuuna kula dardaarmay horumarinta Maamulka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed Khadar iyo Taliyaha Booliska dowladda ayaa goobjoog ka haa kulankii dhexmaray Farmaajo iyo Xildhibaanada.

Sidoo kale ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Barlamaanka Cabdullaahi Xirsi Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali iyo inta badan Xildhibaanada Maamulkaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isla markaana ku qaadanayay tababaro kala duwan, waxaana shalay soo gaaray Muqdisho Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal iyo wafdi la socday.