Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalka Jabuuti iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo Maanta oo sabti ah ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin dalka Jabuuti, iyagoo ka ambabixi doona Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas uga galayo shir Madaxeedka Urrur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaalada Gobolka Tigray oo dhowaan Ciidanka Milateriga Itoobiya dagaal kagala wareegeen Jabhadda TPLF.

Sidoo kale inta uu socdo Shirka IGAD ayaa waxaa looga hadli doonaa ashtako ay  Soomaaliya ka gudbisay Kenya iyo xiisada diblomaasiyiinta ee u dhaxeysa labada dal, kaddib tallaabadii dhowaan dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa Axadii booqasho ku tagay Magaalada Addis Ababa, waxaa uu sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isku raaceen shir Degdeg ah oo looga hadlayo dhibaatada ka jirta Tigray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Dacwan ka dhan dalka Kenya u gudbisay Urrur Goboleedka IGAD, kadib markii ay ku eedeysay inay Keny fara-gelin ku heyso Arrimaha siyaasadda dalka.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti ayaa kusoo aadaya, iyadoo xaalad  siyaasadeed eek a jirto dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, isla markaana u dhexeeysa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxda dowladda Federaalka oo ku aadan Arrimaha doorashada dalka dhacaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media