Madaxweyne Farmaajo oo ku wajaahn dalka Uganda iyo u jeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu u amba-baxo Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Farmaajo ayaa ka qayb gali doona shir xasaasi ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda Waddamada ku bahoobay Urur-Goboleedka IGAD, waxaana shirkaasi uu ka dhici doona Magaalada Kampaala ee xarunta dalka Uganda.

Shirka ayaa waxaa diiradda lag saari doonaa arrimaha wadamada Sudan iyo Itoobiya, iyadoo si gaar ah kulanka xoogga loogu saari doono dagaalka ka socda Itoobiya, iyadoo shirku uu furmi doono 15ka bishan.

Qoraal kooban oo uu bartiisa xiriirka bulshada soo dhigay Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga Soomaaliya , Maxamed Cabdirizaaq Maxamuud ayuu ku sheegay in 15-ka bishan uu magaalada Kampala ka dhici doono shir ay isugu imanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD, kulankaas oo looga hadli doono arrimaha ka taagan waddamada Itoobiya iyo Suudaan ayuu sheegay inuu ka qeyb geli doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan oo muhiim ah ayuu sheegay Wasiirku in lagu gorfeyn doono xaaladaha ka taagan dalal ka mid ah Bariga Afrika, ayna muhiim tahay in laga yeesho siyaasad isku mid ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor