Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Matalaadda Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbaddiisii Dastuuriga aheyd ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda dalka gaar ahaana arrimaha amniga,Dhaqaalaha,Siyaasadda iyo cudurka safmarka ah ee Coronavirus oo saameyn weyn ku yeeshay dalka.

Isaga oo ka hadlayay xiriirka dowladda iyo maamul gobaledyada ayaa waxa uu tilmaamay in har iyo habeen uu geliyay dadaal sidii la iskugusoo dhawaan lahaa waxaana uu shaaca ka qaaday in gargaar dowladdu ay gaarsiisay maamulada dalka ka jira si looga hortago safmarka Covid 19.

Geba gebada Khudbaddiisa ayaa madxweynuhu waxa uu kaga codsaday xildhibaanada in meel wanaagsan ay gaarsiiyaan sidii gobolka Banaadir metalaad ugu yeelan lagaa golaha Aqalka Sare.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media