Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo shalay la shaaciyay inuu geeriyooday.
Qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi loogu diray Dowladda iyo Shacabka dalka Burundi ee uu ka baxay Pierre Nkurunziza oo ku dhintay Xanuun dhanka Wadnaha ah.
“Waxaan halkan Tacsi uga dirayaa Dowladda iyo Shacabka dalka Burundi. Anigoo ku hadlaya Magaca Muwaadiniinta Soomaalida iyo Kaygaba waxaan ka tacsideynayaa geeridii Madaxweyne Pierre Nkurunziza, oo ahaa Saaxiib weyn iyo Shaqsi Isbahaysi la ahaa Somalia” ayuu yiqi Madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale geerida Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Hoggaamiyeyaal ka tirsan dalalka sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Goodluck.
Dowladda Burundi ayaa kamid ah dowladdaha Afrika ay Ciidamada ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana ka qeyb ka ah Howlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana Ciidankii ugu horreeyay ee ka socda Burundi yimaadeen dalka sanadkii 2007.