Madaxweyne Farmaajo oo goordhow gaaray Magalada Marka

Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose si uu kulamo gaar gaar ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Maanta oo kale 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magalada Muqdisho.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka wadeeb qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor