Madaxweyne Farmaajo oo Goordhow gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku wehlinayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, waxaana Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay RW Kheyre, Madaxweyneyaasha maamulada dalka, xubno kala duwan oo maamulkiisa, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne farabadan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadweynihii kusoo dhaweeyay Caasimadda Galmudug uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isla markaana waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug.

Ujeedka Madaxweynaha ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka Qaran.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashaya Ciidamada dowladda, Galmudug iyo kuwa ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media