Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa dalka Jabuuti uga qeyb galay Shirka Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda dalka Xasan Cali Kheyre oo kamid ahaa wafdiga Farmaajo ayaa kusoo haray Jabuuti, si uu korjoogto uga noqdo Shirarka Guddiyada Farsamo ee Soomaaliya iyo Somaliland oo halkaas ka socda.

Wadahadalladii shalay ka furmay qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyen inaan la siyaasadayn deeqaha horumarinta iyo maalgashiga caalamiga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media