Madaxweyne Farmaajo oo Baaq Deg-deg ah kasoo saaray Colaada Walaweyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-gobeeldka Koonfur Galbeed, Odeyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaannada in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxwaynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) sida deg-degga ah ee ay ugu baxeen, una kala dhex galeen malayshiyo beeleedyada dagaallamayey, waxa uuna ku tilmaamay colaaddan arrin fool-xun oo aan la aqbali karin.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad iyo malayshiyo beeleed oo ay dhiigooda u daadiyaan, iyadoo aynu ku jirno maalmihii barakeysnaa ee bisha Shacbaan oo cibaadada iyo sadaqada lagu dadaalo.”

Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyada oo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada ka dhalatay.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, waxa uuna Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media