Madaxweyne Erdogan oo diiday inuu aqbalo is-Casilaada Wasiir ka tirsan Xukumaddiisa

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii diiday inuu aqbalo is-casilaadda wasiirkiisa arrimaha gudaha oo ka dhalatay xanibaad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay taasi oo hogaamisay in dadku ku cararaan dukaamada ayagoo argagaxsan.

Wasiir Suleyman Soylu ayaa la kulmay cambaareyn xooggan kadib markii bandow 48 saac ah oo looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus lagu dhoawaaqay Jimcihii, ayada oo shacabka la siiyey kaliya ogeysiis laba saac ah.

Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay inay ku cararaan suuqyada, taasi oo jebisay xeerkii kala fogaanshaha bulshada.

Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada, bankiyada iyo goobo kale.

Dalka Turkiga ayaa waxaa laga xaiqijiyey 57,000 kiis oo COVID-19 ah, ayada oo ay u dhinteen 1,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media