Madaxweyne dowlad Goboleed kale oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Waare iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaano kamid ah kuwa Hirshabeelle, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Madaxweyne Waare ee Muqdisho uu yahay mid la xiriira Arrimo siyaasadeed iyo in kulamo kala duwan uu la qaadan doono Madaxda dowladda Federaalka.

Waare ayaa Maanta waxaa Magaalada Muqdisho uga soo horreeyay Madaxeynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo siweyn loo soo dhaweeyay, wuxuuna Ujeedkiisa uu ku sheegay inuu yahay in uu kulamo la qaato Madaxda dowladda.

Safarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ee Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyadoo maalin kahor ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kalsoonidii kala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media