Madaxweyne Deni oo socdaal ku mari doono degaanno ka tirsan Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa la filayaa in uu Maanta Booqasho ku tago degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug, gaar ahaan dhanka uu ka arrimiyo Maamulkaasi.

Sida qorshuhu yahay waxaa la filayaa in Siciid Deni uu booqdo Dekadda Garacad, waxaa hadda Madaxweynuhu uu ku sugan Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, halKaasi oo uu xalay kaga qayb galay munaasabad weyn oo lagu dallacsiiyay Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ka qayb qaatay nabadeynta Gobolkaasi.

Deni ayaa kormeeri doona  qaybaha kaladuwan ee dekadda, waxaana socda dhisme lagu wado qaybo ka mid ah Dekadda.

Sidoo kale Waxaa socda qabanqaabada iyo soodhaweynta Siciid Cabdulaahi Deni ee Garacad, iyadoona Saraakiisha Ciidanka iyo mas’uliyiin kale ay qayb ka yihiin Safarkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor