Madaxweyne Deni oo Shir-guddoomiyay Kulan looga hadlay Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Kulanka Amniga Gudaha ee Puntland, oo looga hadlay warbixinta Amniga iyo dardargelinta qorshaha lagu horumarinayo amniga gudaha .

Shirka waxaa ka qeybgalay, Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo ay weheliyaan Taliyeyaasha qeybta booliska ee Gobollada Puntland, Hoggaanka dambi baarista ee Ciidanka Booliska, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobollada Iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa laamaha ammaanka faray in ay ammaanka guud diiradda saaraan, maaddaama degaanada Dowlad Goboleedka Puntland lagu qaban rabo doorashada Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor